BARO KAN GO,AMIYA UURKAGA IYO CAFIMAAD QABKIISA (HCG HORMOONKA)
Ma ogtahay in marka bilowga hore ee uurka uu jidhkaagu soo saaro hormoon gaar ah oo la yiraahdo hCG? Waa difaacaha iyo quudiyaha koowaad ee uurjiifka! Haddaba aan si fudud u baranno waxa uu yahay iyo sida loo baaro. 👇
Waa Maxay hCG? Waa hormoon ay soo saarto mandheerta (placenta) xilliga hore ee uurka. Wuxuu caawiyaa in jidhku hayo uurka oo uu si caafimaad leh u koro bilowga hore.
Sida Loo Baaro (Test-gareeyo): Waxaa loo baari karaa labo hab oo fudud:
🩸 Baaritaanka Dhiigga: Waa kan ugu saxsan uguna xasaasisan. Wuxuu sheegi karaa xitaa qaddarka ugu yar ee hormoonkan, waxaana si rasmi ah loogu sameeyaa sheybaarada caafimaadka.
🚽 Baaritaanka Kaadida (Urine Test): Waa kan inta badan guryaha lagu isticmaalo. Waa mid fudud, raqiis ah, oo degdeg ah (wuxuu qaataa 5 ilaa 10 daqiiqo).
👉Talo Muhiim ah! Marka aad isticmaalayso test-ga kaadida, iska ilaali inaad biyo badan cabto ka hor inta aadan is-baarin. Biyaha badan waxay yareeyaan awoodda hormoonka ee kaadida dhexdeeda, taasoo keeni karta in test-gu ku sheegi waayo uurkaaga
Koritaanka Hormoonka: Uurka caafimaadka qaba dhexdiisa, hormoonkan wuxuu laba-jibbaarmaa (doubles) ku dhawaad maalin kasta (24 saac kasta) toddobaadyada ugu horreeya, si uu u xoojiyo uurka ilaa uu gaaro heerka ugu sarreeya.
Nala wadaag, ma xusuusataa dareenkaagii ugu horreeyay markii aad aragtay labadii xarriiq (Two lines) ee test-ga?
No comments:
Post a Comment