Saturday, August 22, 2026

XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery).

Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuunka salmonella kaaso ka dhashay cuntooyin sumeysan Hay'adu waxay sheegtay iney dad u dhinteen xanuunka dad badana la jifaan isbitaalada wadanka.

Xanuunkan ayaa loo sababeynayaa cunista ukunta sida wacan loo karin. 


WAA MAXAY XANUUNKA SALMONELLA?

Salmonella waa qeyb ka mid bacteria (bakteeriyaada) taaso si nabada ugu nool dheefshiidka xayawaanada kala ah: Lo,da dofaarka iyo doorada ama jikinka (chicken).


MAXA KEENA XANUUNKA?

Waxayalaha u badan ee keena xanuunka waa:

1️⃣Cunista cuntooyinka wasakheysan 

2️⃣Cabista biyaha wasakheysan

3️⃣Cuntooyinka aan sida fiican loo karin .


ASTAAMO NOOCE AH AYUU ISKU ARKAYA QOFKA XANUUNKU KU DHACO.

1️⃣Caloosha oo xanuunta sida iney wax mudayaan oo kale (abdominal cramps)

2️⃣Shuban 

3️⃣Matag

4️⃣Qandho 

Qofku xanuunka wuxuu isku arakaya markay gasho bakteeridii xanuunka keenaysayb12 ilaa 72 sacadood kadib.


YAA HALIS UGU JIRA XANUUNKA?

Badanaa xanuunkan dadku way ka bogsodaan,balse caruurta yar yar, dadka waaweyn iyo daka difaacooda jirku hoosey ,waa dadka ugu khatarka badan ee xanuunka la dhibatoonaya .


SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKA SALMONELLA?

Uga hortag xanuunka qaabkan soo socda:

1️⃣Gacmaha hala dhaqo kahor intaadan cuntada diyaarin

2️⃣Cuntooyinka si fiican haloo kariyo ama bisleeyo.

3️⃣Ukunta iyo chicken si fiican haloo kariyo 

4️⃣Xayawanada aan soo shegney hadii aad tabato gacmaha iyo jirka si fiican isaga dhaq.


WADAMADA XANUUNKU KU FAAFEY 

Mesha xanuunka ka dilacey waa dalka UK magloyinka Ugu Badan ee Cudurku Ka Dhacay (UK)

Xanuunka ama safmarka wuxuu ka dhacay dalka Boqortooyada Midowday (UK):

​England: Waxaa ka dhacay tirada ugu badan, oo ah (207-da xaaladood ee guud ahaan.

​Magaalooyinka ugu daran: London (47 xaaladood) iyo Yorkshire & Humber (38 xaaladood).  

​Qaybaha kale ee UK:

​Scotland: 6 xaaladood  

​Wales: 1 xaalad  

​Northern Ireland: 1 xaalad  

Reference xogta

Reference:xogta rasmiga ah UK HEALTH SECURITY AGENCY. 





Tuesday, August 18, 2026

CAFIMAADKA ILKAHA CARRUURTA IYO KA HORTAGAA BOLOLKA (JAJABKA IYO SUUSKA).

 Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).

Caafimaadka ilkaha ilmaha yar waa asaaska cafimaadka guud ee ilmaha.

 waa xilliga ay dhismaan ilkaha iyo hab-dhaqanka uu ilmahaagu ku noolaan doono naftiisa oo dhan. 

Bololka ilkaha (ama suuska iyo jajabka ) waa xanuunka ugu badan ee ku dhaca carruurta, balse wuxuu leeyahay habab fudud oo looga hortago.


​Maxaa Keena Bololka Ilkaha Carruurta?

​Ilkaha caanaha (kuwa ugu horreeya ee ilmaha u soo baxa) waxay aasaas u yihiin kuwa dambe ee joogtada ah. Sababaha ugu waaweyn ee ilkaha carruurta xumeya waxaa ka mid ah:

1️⃣​Sokorta Xad-dhaafka ah: Cuntooyinka iyo cabitaannada macaanka badan.

2️⃣​Daryeel-xumo Afka ah: Ilmaha oo aan maalin kasta loo cadaynin sida saxda ah.

​Waalidka oo aan Joogteynin: Ilmaha yar oo kaligii cadayan karin .


TALLAABOOYINKA ILKUHU KU BADBAADAYAAN:

​Dhaqaatiirta iyo cilmi-baaristu waxay sheegeen in hababkan ay yihiin kuwa ugu awoodda badan:

​1.Isticmaslka (Fluoride Varnish): Waa dawo xiriir ah oo ilkaha loo mariyo carruurta yaryar. Waxay adkeysaa daaha ilkaha si aysan sokortu u cunin.

2 ​Xirayaasha Ilkaha (Dental Sealants): Waa lakab ama dawo difaac ah oo lagu daboolo godadka ilkaha dhaadheer ee carruurta dugsiga dhigta, si aysan cuntadu uga dhex harto.

3.​Awoodda Isku-Dhafka: Marka ilmaha loo sameeyo Foloraydh iyo Dental Sealants oo wada socda, ilkahiisu waxay helayaan difaac laba-dhinac ah oo ka ilaaliya bololka.


DOORKA WAALIDKA IYO DHALINYARADA:

​Marka uu ilmuhu gaaro xilliga qaangaarnimada, hormoonnada beddelma waxay keeni karaan in ciridku bararo ama xanuuno. Sidaas darteed, waalidku waa inuu ilmaha la cadaydo oo baro joogtaynta cadeyga illaa uu ka gaaro ugu yaraan 7 ilaa 8 sano, u door burush jilicsan oo ilmaha u go'an 

​Xigasho (Source): Cilmi-baaris ku saabsan Caafimaadka Ilkaha Carruurta iyo Hababka Ka-Hortagga (Pediatric Oral Health Review).



Sunday, August 16, 2026

Tallaalka Duumada (Malaariyada) ee RTS,S iyo R21: Talooyinka WHO

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery).

Cudurka Duumada (Malaariyada) wuxuu weli yahay mid ka mid ah xanuunada ugu daran ee halista ku ah caafimaadka carruurta, gaar ahaan qaaradda Afrika. Sida ku xusan xogta rasmiga ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), sannadkii 2024 keliya waxaa dunida laga helay 282 milyan oo xaaladood oo cudurka duumada ah , halka 610,000 oo qof ay u dhiinteen. Badankoodu waxay ahaayeen carruur yaryar—qiyaastii 438,000 oo carruur Afrikaan ah ayaa sannadkaas oo keliya naftooda ku waayay cudurkaan.

​Si xanuunkan laaga hortago, WHO waxay si rasmi ah u ansixisay laba tallaal oo cusub oo lagu kala magacaabo RTS,S iyo R21.

MAXA KA OGAAN KARTAA TALAALKA RTS ,S IYO RT21.

✅Labada talaal waa isku awood si isku mid ah ayey xanuunka uga hortagayaan wax kala duwanaansha aah malahan.

 

✅Labaduba waxay ka hortagaaan xanuunka sanadka u horeya 50% ,sidoo kale 75%waxay ka hortagaan dhibatooyinka xanuunka xiliga waliba xanuunku jooga.


✅Qimaha talaalka waa mid qimihsa uu aad u hoseyo gar,ahaan wadama laga fuliyey talaalka wax badana ma kala duwana waxaadse modaa inuu hoseeyo qiimiha talaalka RTS,S.

Qiyaasta la qadanayo talaalka qiyaasta la sinaayo caruurta waa 4 qiyasood waxayna uga bilaameysaa marku uu jiro 5 bilood qiyaas kale ayaa jirta oo la siiyo waxan la dhahaa waa qiyaasta 5aad waxa la siiya marku xanuunku joga ama uu marayo heerka ugu sareya.


BILOWGII TIJABADA TALAALKA MAXA LAGA FAA'IIDEY:

Mashaariicdii tijaabada ahayd ee tiirka u ahayd ansixinta tallaalka (MVIP) ee laga sameeyay dalka Kenya, Ghana, iyo Malawi inta u dhaxeysay 2019–2023, waxay muujiyeen waxtar badan waxana ka mid ah :

1️⃣13% qadashada talaalka waxa yarataay dadka xanuunka u dhimanayey .

2️⃣Waxa hoos u dhacay dadka xanuunka u jiifay xarumaha cafimaad sida cisbitaallada(hospitals).

3️⃣Caruurta xanuunku ku dhacay waxay helayan daryeel gaar ah iyo wacygelin cafimaad sida iney xirtaaan ama lasiiyo Mara kaneeco (mosquitoes net) iyo dawooyin ka hortag ah .


Talaal kaliya ma ahan ka hortagga saxda aha ,balse markaad ku darsato inaad xirato marada kaneecada ,sidoo kala hesho dawooyinka ka hortaga ah ayaa waxaa dhab ahaantii mesha ka baxaya dhibaatadii xanuunka duumada .


Reference/ Xigasho  World Health Organization (WHO)Malaria vaccines (RTS,S and R21), February 2026.




Wednesday, August 12, 2026

DIB U DHIGA JARISTA AMA GOOYNTA XUNDHURTA (UMBILICAL CORD CLAMPING)ILMAHA IYO FAA'IIDOOYIN CAFIMAAD

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).

Marka uu dhasho ilmaha yar,waxaa isaga iyo hooyadiis isku xira xundhurta oo ka mid ah( placenta) ibida taso la gooyo markuu ilmuhu bananaka yimado ,waxana lagu jaraa maqas ama makiinad(sakiin).

Si kastaba ha ahaatee wakhtiga la jarayo xundhurta ilmaha,waxay leedahay saameyn cafimaad gaar ahaan ilmaha yar aayihiisa dame.


MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN GOYNTA DEGDEGA AH IYO MIDA DIB LOO DHIGO.

1️⃣Gooynta Degdegga ah (Early Cord Clamping): Waa marka xundhurta la gooyo ka hor 60-ka ilbidhiqsi ee ugu horreeya dhalmada ka dib.

2️⃣Gooynta oo la ​dib dhigo (Delayed Cord Clamping): Waa marka la sugo in ka badan 1 daqiiqo dhalmada ka dib, ama ilaa ay ka joogsato garaaca xundhurta (cord pulsation).


WAA MAXAY FAA'IIDADA KU JIRTA IN DIB LOO DHIGO GOOYNTA XUNDHURTA ILMAHA YAR.

In la sugo wax ka badan 1 daqiiqo, waxay u ogolaneysaa qulqulka dhiigu inuu socdo oo ilma yar gaaro dhiig badan:

1. Waxaa kor u kacaya heerka birta iron ilaa 6 bilood dhalmada kadib.

2. Ka hortagga dhiig la,aanta Tani wzxay aad ugu wacantahay hoyooyinka ku nool deeganada dhaqalahoodu hooseeyo ,ama degaankooda laga helayn cuntooyinka kor u qadaya dhiiga .


WAA MAXAY ASTAANTA SAXDA AH EE KUU SHEEGEYSA IN LA JOOGO WAKHTIGII JARISTA XUNDHURTA ;

Astaanta saxda ah oo la rabo iney ogadaan umulisooyknku ,waa in ay saaran labadooda farood xariga xundhurta ,kadib waxay dareemaysaa dhaqdhaqaaq sida wadno garaac oo kala ah, marka sug ilaa garaacisi uu mesha ka baxayo..


TALOOYINKA HAY,ADA CAFIMAADKA ADUUNKA EE WHO. 

Hay'adda WHO waxay si toos ah ugu taliysay in la dib dhigo jarista xundhurta in ka badan 1 Daqiiqo dhalmada ka dib, si loo horumariyo caafimaadka iyo nafaqada Hooyada iyo ilmaha yar. 

​Source / Xigasho:

World Health Organihttps://www.who.int/tools/elena/interventions/cord-clampingzation (WHO) Guidelines on Umbilical Cord Clamping for Maternal and Infant Health



Monday, August 10, 2026

5-TA QAAB U NUUJIN ILMAHA YAR SI UU CAANO KU FILAN U HELO

Waxa kuu diyaarisay umuliso faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).


 Nuujintu waa hab-dabiici ah oo koriya ilmaha, laakiin inta badan ma aha mid si fudud ku timaada maalmaha ugu horreeya. Hooyooyin badan ayaa la kulma xanuunka ibta naaska, ilmaha oo aan si fiican u qabsan karin naaska, ama muruqyo xanuun ka dhasha qaabka ay u fariistaan inta ay nuujinayaan.

​Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Carruurta ee UNICEF, waxay tilmaamaysaa in habka saxda ah ee ilmaha loo qabsado (Positioning) iyo sida uu naaska u qabsado (Latch) ay yihiin furaha nuujinta guuleysta oo aan xanuunka lahayn.


ASTAMAHA MUUJINYA IN ILMUHU SI SAX AH NAASKA U QABSADEY (GOOD LATCH).

​Haddii ilmuhu naaska si sax ah u qabsado, hooyadu xanuun ma dareemayso, ilmahuna wuxuu helayaa caano ku filan. Calaamadaha waxaa ka mid ah:

​Xanuun L'aan: Nuujintu kuuma keenayso wax xanuun ama raaxo-darro ah.

​Afka ilmahaa oo balaarta : Afka ilmaha ayaa si ballaaran u furan, bishimaha hoose iyo kuwa sare ayaa si wacan ibta naaska (Areola) u daboola.

​Bishimaha hoose ee ilmaha ayaa dibadda u baxa (dheerada).

​.

​5-ta Qaab ee Ugu Fiican ee Ilmaha Loo Nuujiyo

5️⃣-TA QAAB EE UGU FIICAN EE ILMAHA LOO NUUJIYO.

​Qaabka labada gacmood Ina ku warejiso ilmaha (Cradle Hold):

Waa qaabka ugu caansan. Waxaad fariisanaysaa kursi leh dhinac lagu tiirsado. Madaxa ilmaha waxaad gelinaysaa xusulkaaga dhexdiisa, iyadoo laabta ilmaha ay ku dhegsan tahay laabtaada si aanay madaxa u rogin.




​Qaabkan hal gacan ayaad ku heyn ilmaha tan kalana naaska ugu aadin (Cross-Cradle Hold):


Wuxuu aad ugu wanaagsan yahay dhallaanka cusub ama hooyooyinka hadda baranaya nuujinta. Halkii aad madaxa ku hayn lahayd xusulka, waxaad ku qabanaysaa gacantaada hoose si aad maamul buuxa ugu hesho madaxa ilmaha marka uu naaska qabsanayo.




​QAABKAN LABADA GACMOOD BAAD HOOS GEYN (Football / Rugby Hold):Qaabkan waxuu u fiicanyahay hooyada lagu qalay ilmaha (C-Section), qaabkani waa kii kuugu habboonaa. Ilmaha waxaad ku qaban kilkishaada hoosteeda isagoo u jeeda dhanka laabtaada, waxaadna lugahiisa u badineysaa dhabarkaaga dhankiisa.




​QAABKAN Dhinac u Jiifsiga (Side-Lying Position):

Haddii aad doanayso inaad nasato ama habeenkii nuujiso, adiga iyo ilmahuba dhinac u jiifsada iyadoo ilmaha wejiigiisa uu ku aaddan yahay naaskaaga. Hubi in sanka ilmaha uu neefsan karo oo aanay jirin wax hortaagan.

DIGNIIN: Habkan ha u ogolaan inaad sexato intaa naska nuujineyso, wayo waxa dhici kara in naaska uu daboola sanka ilmaha yar halkaan uu ilmuhu waayo hawadii oo dhinto.





QAABKAN ilmahii ayaa dusha isaga jiifin (Reclining Position / Biological Nurturing):

Haddii ilmuhu aad u kakan yahay ama ooyayo, habkani wuxuu siiyaa deganaansho. Dib u tiirso sariirta ama kursiga, ilmahana laabtaada dusheeda si toos ah uga jiifi (Skin-to-Skin). Sidaas wuxuu si dabiici ah u raadin doonaa naaska.











Faa'iidooyinka Xiriirka Maqaarka (Skin-to-Skin)

​In jirka ilmaha ee qaawan la dul saaro laabta hooyada waxay:

​Xakameysaa garaaca wadnaha, neefsashada, iyo kulaylka ilmaha.

​Dejisaa maskaxda ilmaha iyo hooyadaba.

​Kicisaa dheef-shiidka iyo rabitaanka uu naaska u qabo

​Xigasho Caafimaad (Reference):

​Xogtan waxaa lagu batay laguna xaqiijiyay Tilmaamaha Naas-nuujinta ee Hay'adda UNICEF (UNICEF Breastfeeding Guide).




Thursday, August 6, 2026

NAFAQADA HOOYADA NUUJINEYSA MAXAY U BAAHANTAHAY IN AY CUNTO IYO CABITAAN AHAAN U QAADATO.

Waxa Diyarisey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery)

 Caanaha naasku waa nafaqo dhameystiran uu helayo ilmha yar, waayo wuxuu siinaya ilmaha ,tamar dheraad ah iyo waliba difaaca jirkana kor buu u qaadaya .

Haddi aad tahay hooyo nuujineysa waa muhiim inaad is weydiiso su,aalahan:

waa maxay cuntooyinka iyo cabitaanka u fiican hooyada nuujineysa si ay u bataan canaha naaska,ilmuhuna ka helo nafaqo dhameytiran.


 MA U BAAHANAYAHAY XADDI (Calories) DHEERAAD AH?..

Hoyooyin badan ayaa aaminsan iney cunaan cuno le,eg labo qof madama uu ilmo ku dul noolyahay, balse arrinku sidan maha .

Hooyada nuujineysa waxaa loo bahanyahay 340ilaa 400 calories (cabirka cunatada ay cuneyso)maalintii si ay u hesho nafaqo iyo tamar dhalisa caanaha hooyada.


MAXAY YIHIIN CUNTOOYINKA AY TAHAY INAAD CUNTO?

​Ujeeddadaadu ha ahaato cuntooyinka leh borotiinka sare iyo vitamiinnada:

​Borotiinka: Hilibka aan baruurta lahayn, ukunta, caanaha, digirta, misirta, iyo kalluunka xaddiga meerkurida uu hooseeya leh(low mercury).

​Qudaarta iyo Miraha: Cun qudaarta cagaran iyo waliba miraha bisil waxay kor u qadanyaan heerka tamartaada sidoo kale canaha naaskana way badiyaan.

​Vitamiinnada: Dhakhtarkaagu wuxuu kuu soo jeedin karaa multivitamins maalinle ah illaa aad ilmaha naaska ka gooyso.


 INTEE IN LE,EG OO CABITAAN AH BAAD U BAAHANTAHAY?

​Cabb markaad harraad dereento! Haddii kaadidaadu tahay jaalle aad ah , taasi waa calaamad muujinaysa inaad u baahan tahay cabitaan dheeraad ah.

​Doorashada ugu fiican waa : Biyaha dabiiciga ah.

๐Ÿ‘‰​Digniin iska ilaali cabitanada leh sonkorta, sidoo kale cabitaanada ama sharabada warshaduhu sameyaan, ku dadaal sharabada dabiciiga ah .


​ CUNTOOYINKA IYO SHARAABADA(CABITAANADA)LAGA FOGAANAYO.

​Aalkolo (Alcohol): Ma jiro xaddiga aalkolo oo dammaanad u ah caafimaadka ilmaha. 

​Kafeega (Caffeine): Ha cabbin in ka badan 2 illaa 3 koob oo cabitaannada kafeega leh maalintii.

​Kalluunka Meerkurida Badani Ku Jirto(Heighmercury): Ka fogaaw kalluunka Meerkurida ku badantahay sida shaaraka (shark), swordfish, iyo king mackerel sababtoo ah meerkurida waxay dhib u geysan kartaa korriinka habka neerfaha ilmaha.

​Source / Xigasho:

Mayo Clinic Health Information – Breastfeeding Nutrition Guidelines





Tuesday, August 4, 2026

FAA,IIDOOYINKA NAAS-NUUJINTA HOOYADA IYO ILMAHA YAR.

 Waxa Diyarisey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).

Naasnuujintu waa habka ugu fudud, uguna awooda badana ee ilaaliya cafimaadka hooyada iyo ilmaha yar 

 Sanadkan, iyada oo lagu jiro Toddobaadka Naas-nuujinta Adduunka, Madaxda UNICEF iyo WHO ayaa xog wadajir ah ka soo saaray baahida loo qabo in dalalku sii xoojiyaan taageerada naas-nuujinta.


FAA,IIDO NOOCE AH AYEY NAAS-NUUJINTU LEEDAHAY :

Sida ay tilmaamtay xogtu, naas-nuujinta hooyadu waxay leedahay faa'iidooyin waaweyn oo dhinacyo badan leh:

1️⃣​Ilmaha: 

✅Waxay siisaa nafaqada ugu muhiimsan, ✅waxay kor u qaaddaa difaaca jidhka, ✅waxay ka dhowrtaa ama ka ilaalisaa cudurrada halista ah, 

✅waxay kor u qaada korriinka maskaxda (cognitive development).


2️⃣​Hooyada: 

✅Waxay ka badbaadisaa cudurrada aan la laysku gudbin sida kansarka naasaha, kansarka ugxan-sidaha (ovarian cancer), ✅waxay ka ilaalisaa hooyada nooca 2-aad ee cudurka macaanka (type 2 diabetes).


GUULAHA LAGA GAARAY NAAS-NUUJINTA IYO DHIBAATOYIN WALI TAAGAN.

​Wada shaqaynta caalamiga ah waxay muujisay natiijooyin dhiirigelin leh oo soo baxay :

๐Ÿ‘‰​Heerka naas-nuujinta keliya (Exclusive Breastfeeding) 6-da bilood ee ugu horreeya wuxuu ka koray 37% (2012) oo uu gaaray in ka badan 47%.

๐Ÿ‘‰​Shantii 5-dii sano ee la soo dhaafay, naas-nuujinta illaa 2 sano waxay ka korartay 38% oo ay gaartay 50%.


๐Ÿ‘‰Dhibatooyin Wali taagan:​Si kastaba ha ahaatee, dalal badan gaar ahaan kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo ama ku jira xaaladaha colaadaha iyo saboolnimada waxay weli ku dambeeyaan dib u dhac dhanka naas nuujinta tasoo lo aaneynayo adeegyada cafimaad iyo wacyigelinta oo hoseysey, iyadoo bulshada loo xayeysinayo caanaha dasadaha.


KOR U KACA DHAQAALE IYO BADBAADINTA BULSHADA:

1.Bulashadu iney fahamto faa,iidada naas-nuujinta waxay mesha ka saareysaa 400,0000 oo dhimasho caruura ah iyo waliba 140,000 h dhimasho oo hooyo ah sanakiiba.

2. NATIIJADA DHAQAALE :: $1 kasta oo loo maalgaliyo dhiirigelinta naas-nuujinta wuxuu dhaliyaa ilaa $59 oo faa'iido dhaqaale ah,mar haddii ay yaraadaan kharashyada caafimaadka,oo ilmaha yar iyo hooyadaba ay ka helaan cafimaad naas-nuujinta.

waxa kaloo kordhaya garashada iyo aqoontii bulshada iyo waliba dhanka dhaqalaha.


QAABKEE KOROOGU QAADI KARAA NAAS-NUUJINTA:

waxaa loogu baaqay dhammaan dalalka inay qaadaan 6 tallaabo oo muhiim ah si loo siiyo ilmaha naaska, waana bilowga ugu fiican nolosha:

1.​Xoojinta Nidaamyada Caafimaadka: In hooyooyinka iyo ilmaha dhashay loo diyaariyo adeegyo taageera naas-nuujin oo tayo sare leh.

2.​Ballaarinta Latalinta Bulshada: In kor loo qaado barnaamijyada latalinta heer bulsho.

3.: In si buuxda loo hirgeliyo xeerka nidaamiya ganacsiga iyo xayeysiinta caanaha daasadda (Formula milk) oo ah in aan bulshadii wax been ah loo xayeysiin sidoo kale cafimaadka ilmaha laga fakaro. 

4.​Maalgashiga Fasaxa Dhalmada: In hooyooyinka loo sharciyeeyo fasax dhalmada oo mushahar leh iyo iney helaan deegaan shaqo oo taageera nuujinta.

5.​Dhexgalka Adeegyada Caafimaad: In wacyigelinta naas-nuujinta la dhex-galiyo adeegyada caafimaadka ee xilliga uurka, dhalmada, iyo ka dib dhalmada.

6.​in si fiican looga shaqeyo wacyigelintaiyo teegerida naas-nuujinta.

Reference/xigasho xogta ah: UNICEF & WHO Joint Statement – World Breastfeeding Week

.



Sunday, August 2, 2026

DHIIGBAXA YIMAADA XILIGA AY HOOYADU DHASHO IYO HAB CUSUB OO LOOGA HORATGI KARO

 Waxa Diyarisey umuliso Faatima Jamaal (BSc Clinical Midwifery).

Dhiig baxa yimaada marka ay hooyadu dhasho kadib waa xaalado ay hooyooyin baddan la kulmaan oo ah dhibaato weyn ,sidoo kale keenta dhimasho, gaar ahaan hoyooyinka ku nool wadamada dhaqalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Arrinta u badan oo keenta dhibtadan ayaa ah in aan la ogaan dhiig-baxa xili hore ama aan loo kaashan nidaam cusub oo lagu joojinayo dhiig-baxa.

WAA MAXAY HABKA CUSUB E-MOTIVE ?

Cilmi baaris cusub ayaa sheegaysa in uu jiro hab cusub kasoo loogu talagalay in lagu joojiya dhiig-baxa bilowga ah habkaasna waxa la dhaha E-MOTIVE.


SIDA UU MUUJIYEY BARITAAANKU:

​E-MOTIVE waxay yareyneysaa dhiig-baxa daran iyo dhibaatooyinka ka dhasha ilaa 60%.

​Wuxuu baajinayaa qaliimada degdegga ah ee lagu joojiyo dhiig-baxa.

​Wuxuu meesha ka saarayaa dhimashada hooyada marka si buuxda loogu dhaqmo.


 OGOW QAABKA UU U SHAQAYNAYO NIDAAMKA LOGA HORTAGAYO DHIIGA BAXA XILIGA HORE:

E-MOTIVE sidaa horey u sheeganay waa nidaam cusub ee lagu oganayo dhiig baxa bilowga ah, waxaa haboon in nidaamkan ay xooga saraan dhakhaatiirta iyo waliba umulisoonka .

1️⃣E:waa inaad qiimeysa marka hooyadu dhasho xaddiga dhiig ee ka baxay, indhahana ku haysaaa.

2️⃣M:Waa inaad u daliigtaa , minka see ugu daligeysaa:calosha dhan gacanta si tartiib ah u mari .

3️⃣O:Sii dawada ama irbada minka ururisa.

4️⃣T:Sii dawada ka hortagysaa xinjirow dhiiga sidoo kale waxay joojisaa dhiig-baxa aadka u daran.

5️⃣I:waxaad kaloo siis falaambo ama daraeere si awodeeda kor ugu kacdo 

6️⃣V:Hubi oo indha inadhey dhiig-baxa inu Wali jiro 

7️⃣E:intaas haddi ay kugu istaagi waayo dhiig-baxa, waxaad la kaashan dhakhtarka waa haddi aad joogto xarun cafimaaad oo leh adeegyada cafimaaad oo dhan sida qalimaadka.

Haddii aad jogto xarun aan laga fulin wax qaliimaad ah u gudbi istibitaalka kugu dhow.

Habkani waa mid fudud, la aqbali karo, una baahan kaliya in dhakhaatiirta iyo umulisooyinku ay qaataan hab-raaca saxda ah.

​Source / Xigasho:

The E-MOTIVE Research Trial – World Health Organization (WHO) & New England Journal of Medicine (NEJM).






XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery). Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuu...