Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc clinical Midwefry).
Uurku waa safar dabiici ah oo hooyada ku keenah, isbadalo jireed iyo waliba mid hormone.
Isbadaladaani waxay badiyaan, fursadaha hooyadu ay ku qaadayso caabuqa afka (oral infection)sida cirrid dhiiga iyo waliba ilkaha oo dhiiga, waxayna gaartaa heer ah, nabro waaweyn oo ciridka ku dhasha.
HADAAN LA DAWEYN CIRRID DHIIGA MAXAA DHACAYA:
Cilimi baarista WHO waxay sheegta caabuqa ilkaha ee hooyada uurka leh inay la xiririsameyso xanuuna kale inay hooyada ku yimadaaan sida :
1.Wadna xanuun (cardiovascular disease).
2.Cudurka macaanka (diabetes).
3. Ilmaha oo ku dhasha misaan yari (low birth weight).
4.Hooyada oo foolata iyadoon la gaarin xiligii foosha (preterm birth).
Nasiib darro hoyooyin badan oo qaba cirrid iyo ilka dhiiga, ma tagaan xarumaha cafimaad ka hor iyo xiliga uurka ama xitaa markey dhasho, iyagoo u malaynaya in dhibaato ka gaareyso ilmaheeda marka ay tagto xarunta cafimaad si xanuunka laga daweeyo .
NAFAQADA HOOYADA UURKA LEH IYO CIRRID DHIIGA :
Hooyada uurka leh in ay qaadato nafaqo ku fillan, waa mida kaliya kor u qaadeysa cafimaadka ilkaheda iyo waliba cirrid dhiiga. taa kasoo horjeedkeeda hadii ay hooyadu qaadan weydo nafaqooyin ku fillan, waxa imanaya khataro cafimaad darro ee nefteda ah iyo waliba ilmaheda yar.
Xiliga uurka waxa haboon inay hooyadu qaadato kaalshiyaam ( calcium) ku fillan taaso kenaysa in iyada iyo ilmaha yar caafimaadka lafahooda kor u qadeyso..
QAABKEE KOR UGU QAADA KALSHIYASMTA ( CALCIUM ):
Hooya si aad kor u qaado xaddigaga calcium, waa in aad xogga saarta cunista cuntooyinka hodonka ku ah calciumta sida: 1.caanaha iyo waxkastoo canaha laga sameyo.
2.Khudaarta cagaaran.
Hooyo inaad cunto cuntooyin cafimaad leh waxay kor u qaadeysa cafimaadka afakaga waxana kaa yaranaya cirrid dhiigii sidoo kale waxaa meshaa ka baxaysa dhibtada iyo xanuunkii ilkaha iyo ciridka .
SIDEE LOOGA HORTAGAA CIRRID IYO ILKA DHIIGA XILIGA UURKA:
Cilmi baaris ay sameysay pubmed aya mujineysa habka ugu wangsan ay hooyada uurka leh uga hortagi karto, xanunada ama caabuqyada afka sida cirrid iyo ilka dhiiga waxan ka mid ah:
1.Hooya joogtey nadifiinta afka marwalba.
2.Waxa haboon haweeney walba in ay marto baaritaan dhameystiran ka hor uurka, xiliiga uurka iyo waliba markay dhasho.
3.sida ugu haboon ee aad kor ugu qaadi karto cafimaad afka waa inaaad nadifisaa adigoo isticmalaya burush iyo waliba daawo cadey maalinkii labo jeer (toothbrush &toothpaste).
4.ku luqluqo biyo diiran oo cusbo leh ,taasi waxay siineysaa cirridka dagenaan sidoo kale waxay ka yareynysaa caabuqa afka.
Xiliga uurka waa in hooyadu kor u qaado cafimaadka ilkaha iyo ciridka waliba siisaaa ilaalin gaar ah.
Xanuunka ama caabuqa afka kaliya ma keeno in ilkaha suus kaa galo ama ku jajaban sidoo waxay Keenan haliso cafimaad sidaa kor ugu sheegney
Talada Umuliso Fatima jamaal
Hooyo kor u qaad cafimaad afka hadii aad dareento xanuun ama caabuq tag xarun cafimaad
Sidoo kale xiligaa aad ku jirto uurka iska yaree cunista macmacaanka badan ama cuntooyinka wadoyinka lagu gadoo Iyaga ayaa ah halista ugu weyn ee kuu kenaya cirrid dhiiga.

No comments:
Post a Comment