Waxa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).
Wali ma u isticmaashay budada ama bootarka Johnson ee ilmaha yar?
Shirkada J&J oo soo saarsata budada ama bootarka Johnson ayaa ku dhawaaqdey iney bixineyso lacag gaaraysa 5.5 billion si ay u xaliso dacwado kasoo gaaraya budad oo ah iney sababtay xanuunka kansarka(cancer).
MAXAA LAGA HELAY MACDANTA TALC?
Budada ayaa waxay ka sameysantahay madada Talc
Baaris lagu sameyey madada Talc ayaa la ogaadey in madada Asbestos oo caan ku ah keenista kansarka(cancer).ay isku meel laga helo taasina keeni karto in madamada Talc ay waskheyso oo keento xanuunka kansarka.
Sanadkii 2024 ayaa hay'adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in macdantan Talc ay keento xanuunka kansar.
TALLO KU SAABSAN BUDADA AMA BOTARLA CARUURTA JOHNSON BABY POWDER.
Shirkada ayaa soo saartay budo ama bootar kuma jirto madada Talc .
Budada ama bootarkan, wuxuu ka sameysan yahay galay (cornstarch).
Bootarkan ka sameysan galayda aya ah mid amaan ah oo waxhalis cafimaad uma laha maqaarka caruurta.
SOOMALIA :
Boortanka waxa laga joojiya suuqayada aduunka balse somalia suuqyada Wali waa laga helaya,Wana arrin halis iyo khaatar cafimaad ku ah bulshadeena halayka ilaasho.
SUUQYADA WAALAGA JOOJIYA BOTARKAN:
2020: Shirkadu Waxay ka joojisay suuqyada Mareykanka iyo Kanada.
2023: Waxay guud ahaan dunida ka joojisay budadii ka sameysneyd macdanta Talc.
Xogta Rasmiga ah PUBMED

No comments:
Post a Comment