Waxa Diyarisey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).
Dhaqdhaqaqa jirka physical activity ka hor uurka wuxu asaas weyn u yahay cafimaad qabka hooyada.
Cilmibaarisyadu waxay sheegeen in dhaqaqaqu uu door weyn ka qaato dhanka tarranka (fertility) iyo waliba xanuuno badan kaga yaraan.
JIMICSIGA UURKA KAHOR IYO ILMO BEERISTA:
Miisaanka aadka u weyn ama cayilku wuxuu hoos u dhigaa fursadda dhalmada dabiiciga ah iyo ta la caawiyo (ART/IVF). Jimicsiga meel-dhexaadka ahi wuxuu si toos ah u kor u qaadaa fursadda taranka.
FAA'IIDADA JIMICSIGA MEEL-DHEXAADKA AH:
Cilmi-baaris ay soo bandhigtey maktabada pubmed oo lagu sameeyay haween cayil leh oo marayay ilmo beeris waxay muujisay in haweenka jimicsiga joogtada ah samaynayay ka hor ilmo beerista ay arkeen 39% guul ah marka loo barbardhigo 16% haweenka aan dhaqdhaqaaqin. Sidoo kale, heerka ilmaha nool ee dhasha wuxuu kor u dhaafay 24.4% halka uu ka ahaa 7.4%.
CABSIDA JIMICSIGA XAD-DHAAFKA AH(VIGOROUS EXERCISE):
In kasta oo jimicsiga meel-dhexaadka ah uu leeyahay faa'iido badan, jimicsiga aadka u adag (sida midka ka badan 4 saacadood todobaadkii ee xoogga badan
Uma wanagsan wuxuu hoos u dhigaya heerka tarran ee hooyada rabta in loo sameeyo ilmo beerista.
1.BUROOYINKA UGXANTA (PCOS) IYO MAAREYNTIISA:
PCOS waa sababta ugu weyn ee hoos u dhigta tarranka haweenka , waxayna saamaysaa 12% ilaa 18% haweenka da'da taranka ku jira.
PCOS iyo sonkorta Insulin-ka:
PCOS waxay keentaa caabiga Insulin-ka (Insulin Resistance), taasi oo sii xumaysa miisaanka aadka u weyn, walwalka, iyo hormoonnada.
Xalka Jimicsiga:
Jimicsigu waa daawaynta koowaad ee PCOS. Mid ka mid ah faaiidada jimicsi wuxuu si toos ah u hagaajiyaa isticmaalka sonkorta ee jirka.
Natiijada Cilmi-baarista: Haweenka leh PCOS ee sameeyay jimicsi meel-dhexaad ah 3 jeer todobaadkii (30 ilaa 45 daqiiqo) muddo 12 ilaa 24 todobaad ah, 60% ka mid ah waxaa u hagaagay wareegga caadada iyo soo saarista ukunta.
Gunaanad
Sii wadida jimicsiga waa furaha cafimaadka
joojinta jimicsiga waxay dib u soo celisaa dhibaatadii jirtey .
Haweenka oo dhan waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay helaan jimicsi joogto ah oo meel-dhexaad ah.
Xog cilimyeedka PubMed

No comments:
Post a Comment