Monday, July 13, 2026

Dhiig-Yarida xiliga uurka iyo sida looga hortagao (iron deficiency Anemia).

 Qoraalkan waxaa diyaarisay: Umuliso Fatima Jamal, BSc Clinical Midwifery.

Muddada uurka, jirka hooyada wuxuu maraa isbeddello waaweyn oo u baahan nafaqo laba-laab ah. Mid ka mid ah xaaladaha ugu caansan ee saameeya hooyooyinka uurka leh waa dhiig-yarida ka dhalata la'anta curiyaha birta (Iron deficiency anemia). Xaaladdan waxay timaaddaa marka jirku uusan haysan unugyo dhiig oo cas oo caafimaad qaba si ay ogsajiinta u gaarsiiyaan unugyada jirka, taas oo hooyada ku keenta daal baahsan iyo tabar-dari joogto ah.

INTEE IN LE,EG OO BIR (IRON)AH AYAY HOOYADU U BAAHANTAHAY?

Cilmi-baarisyada caafimaad ee ugu dambeeyey waxay sheegayaan in hooyada uurka leh ay u baahan tahay 27 milligram oo bir ah maalin kasta. Caadi ahaan, fiitamiinnada la siiyo hooyada uurka leh (Prenatal vitamins) waxaa ku jira xaddigaas, laakiin mararka qaar dhakhtarkaaga ayaa kuu qori kara kaniini gaar ah haddii dhiiggu aad u hooseeyo.!

SIDEE LOOGA HORTAGO DHIIGA-YARIDA (TALOOYIN NAFAQADA AH):

Nafaqada wanaagsan waa furaha koowaad ee ka-hortagga xaaladdan. Cuntooyinka laga helo birta ironta  waxaa loo qaybiyaa labo:

​Cuntooyinka ka yimaada xoolaha (Animal sources): Sida hilibka gaduudan ee aan baruurta lahayn, hilibka digaagga, iyo kalluunka. Birtan laga helo hilibka waa tan ugu fudud ee jirka hooyadu nuugi karo.

​Cuntooyinka ka yimaada dhirta (Plant sources): Sida khudaarta caleenta cagaaran leh (sida ranksa ama ansalaatada), iyo digirta, misirta.

SIRTA NUUGISTA BIRTA(ABSORPTION TRICKS):

Si jirkaaga uu si fudud u nuugo birtada ka timaada dhirta ama kaniinka, waxaa haboon inaad ku darsato cunto ama cabitaan qani ku ah Vitamin C, sida casiirka liinta, casiirka tamandhada (yaanyada), ama strawberries.

​DIGNIINMUHIIM AH:: Haddii aad kaniinka dhiigga Yarida  ku cabayso casiirka liinta, iska ilaali casiirka lagu daray Kaalshiyamka (Calcium-fortified). In kasta oo Kaalshiyamku u muhiim yahay uurka, haddana wuxuu hoos u dhigaa ama xannibaa nuugista birta ee jirka.

SIDA LAGU DAWEEYO DHIIG-YARIDA DARAN:

Haddii aad qaadato fiitamiinnada uurka hadana aad dhiig-yari isku aragto, dhakhtarkaaga ayaa samayn kara baaritaano dheeri ah si loo ogaado sababaha kale. Mararka qaar waxaa loo baahdaa takhasuska dhakhtarka dhiigga (Hematologist). Dadka aan qaadan karin kaniinka dhiigga ama soo maray qalliinka caloosha iyo mindhicirrada, waxaa dhiigga lagu siiyaa xididka (Intravenous administration) si toos ah.

Xogta maqaalkan : Rugta Caafimaadka ee Mayo   Clinic 



No comments:

Post a Comment

XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery). Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuu...