Sunday, July 12, 2026

waa maxay uur cafimaad leh (Healthypregnancy).).

Waxa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc clinical Midwefry)

Kor u qaadista cafimaadka uurka waa yoolka ugu weyn ee hooyo kasta.

Hooyo kasta waxay jeceshahay cafimaadka in nafteeda iyo tan ilmaheeda yar ay ahadaan kuwa cafimaad qaba, laakin arintani iskama timaado waxay u baahantahay dadaal ,daryeel iyo lasocosho joigta ah oo bilowda maalinka ugu horeysa ay ogaato uurka. 


WAA MAXAY ANTENATAL CARE?.

Antenatal care (Daryeelka xiliga uurka) si kooban waa in hooyadu ay si toos ah oo joogta ah uga war qabto xaladdeeda cafimaad iyadoo xiriir la leh khibradle cafimaad (Dhakhtar iyo umulisada).

Daryeelkani wuxuu ka bilowdaa maalinka uurka isku ogaato ilaa maalinta dhalmada.


HAB TILMAMEED CUSUB EE WHO(8 contacts).

Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxay u qorshaysay qoysaska in hooyada uurka leh ay la kulanto khibradle cafimaad UGU YARAAN 8JEER mudada uu uurku jiro.

Ujedooyinka ugu waaweyn ee 8 kulan waa:

✅ in la baaro lagana hortago halisaha dhalmada kahor ()Antepartum stillbirth).

✅in la ogaado ciladaha jira Lana daweeyo inteysan weynan.

✅Hooyada in laga caawiyo sidey u yeelan lahyd khibrad dhalmo oo farxad leh (positive pregnancy experience).


CABADAHA KA JIRA DEGAANADA QAAR.

Hooyooyin badan waxay tagaan xarumaha cafimaad ugu yaraan hal mar ,hadana cilmi baaristu waxay sheegtay in kar yar kala bar haweenka ku nool deganada in ay helin daryeelka sadexda bilood ee u horeysa taasin ay kernto dhibaatooyin badan. 

Xog cilimyeedka:  WHO




No comments:

Post a Comment

XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery). Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuu...