Sunday, July 5, 2026

Misaanka uurka oo kordha iyo khatarihisa cafimaad.

 Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc in Clinical Midwifery)

Hooyo ma ogtahay in ka warqabka misaankaga ay ku xirantahay cafimaaadka naftada iyo tan ilmaha yar? Waxa wanagsan inaad la socoto misaanka kugu kordhaya inta uu le,egyahay .

GOORMA LA RABAA INAY HOOYADU OGAATO MISAANKA KU KORDHAYA?

Waxa wangsan in hooyadu ogaato misakeenda rasmiga ah uurka kahor. Hadey taasi dhici weydo, hooyo tag xarunta cafimaad ee kugu dhow markaad ogaato inaad uur ledahay.

MAXA DHACAYA HADII MISAANKU KORDHO INTII LAGA RABAY IN KA BADAN?

Cilmi baaris lagu sameyey maktabada pubmed iyo WHO ayaa muujineysa in misaanka xad-dhaafka ah ee kordha xiliga uurka  uu keeno halis badan taaso khatar ku ah hooyada iyo ilmaha yar xiliga uurka iyo xiliga dhalmada. Khatarahas waxa ka mid ah:

1.sonkorowga uurka (Gestational diabetes): Taaso halis galisa nafta hooyada iyo waliba ilmaha.

2. Ilmaha oo aad u weynada (Macrosomia): waxay keenta in ay hooyadu u dhali weydo si dabici ah ama ku adkaato dhalmadu  kadib hooyadii qalin ku dhasho (cesarean section).

3 Foosha oo deg-degta (preterm labour) :wuxu ilmihii dhalan isagoo dhameystiran bilihisi saxda ahaaa 

4.Qaliinka deg-dega ah(Emergency C-section): waxa dhacda in hooyadii iyo ilmihi lagu sameyo qaliin deg-deg ah si loo badbaadsho hooyada iyo ilmiha.

TALADA UMULISO FAATIMA JAMAAL

Hooyo mar walba ka war hay cafimaad qabka Naftada iyo ilmahaga si aad u yareyso khataraha ka dhalan kara misaanka xad-dhaafka ah.                     

Fadlan booqo xarunta cafimaad ee kugu dhow. 

Xog cilimyeedka: PubMed WHO 


No comments:

Post a Comment

XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery). Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuu...