📚 Tixraac iyo Xogta Caafimaad: Maktabadda Caafimaadka ee PubMed
Waxaa Qortay: UmulisoFatima (BSc in Clinical Midwifery)
30-ka June, 2026
Waa Maxay zika feyras (zika virus)?
Waa xanuun ama virus, kasoo ka dhasha qaniinyada kaneecada.
Hooyo ma ogtahay khatarta ka dhalata qaniinyada kaneecada qaarkood, kuwaaso u keena ilmaha iney ku dhashaaan cilad dhanka maskaxda ah iyo koriinkiisa oo hoos u dhaca.
Cilmi baaris lagu daabacay maktabadda pubmed ayaa muujineysa Ina carruurta u ku dhaco feyraska zika (zika virus) xiliga ay caloosha ku jiraan, ay la kulmaan nafaqa darro baahsan.
👉Feyraskan wuxuu waxyelleyaa maskaxda ilmaha, taas oo keenta in ilmuhu dheererkisi ka gaabto (stunting), miisanka oo dhaca ama uu yeesho buurnaan xad-dhaaf ah sababto ah,dhibaatatada ka haysata cuntatada qaab laqideeda.
Sidaas dartaaa,Hooya haddii aad Leedahy uur waliba aad tahay Bilaha hore waxaa muhiim ah ina naftaada ka ilaaliso qaniinyada kaneecada, adigoo isticmalaya maro kaneeco, markaad banaanka u baxayso gasho dhar si fiicaan u daboolaya jirkaaga. Gurigana ka ilaali inay hortisa biyo faristaan oo iska qalaji markasta banaanka.

No comments:
Post a Comment