Sunday, July 26, 2026

DHAQDHAQAQA (SOCODKA)WAXTARKIISQ DHANKA TARANKA IYO BUROOYINKA UGAXNTA .

 Waxa Diyarisey umuliso Faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery).

Dhaqdhaqaqa jirka physical activity ka hor uurka wuxu asaas weyn u yahay cafimaad qabka hooyada.

Cilmibaarisyadu waxay sheegeen in dhaqaqaqu uu door weyn ka qaato dhanka tarranka (fertility) iyo waliba xanuuno badan kaga yaraan.


JIMICSIGA UURKA KAHOR IYO ILMO BEERISTA:

​Miisaanka aadka u weyn ama cayilku wuxuu hoos u dhigaa fursadda dhalmada dabiiciga ah iyo ta la caawiyo (ART/IVF). Jimicsiga meel-dhexaadka ahi wuxuu si toos ah u kor u qaadaa fursadda taranka.


FAA'IIDADA JIMICSIGA MEEL-DHEXAADKA AH:


 Cilmi-baaris ay soo bandhigtey maktabada pubmed oo lagu sameeyay haween cayil leh oo marayay ilmo beeris waxay muujisay in haweenka jimicsiga joogtada ah samaynayay ka hor ilmo beerista ay arkeen 39% guul ah marka loo barbardhigo 16% haweenka aan dhaqdhaqaaqin. Sidoo kale, heerka ilmaha nool ee dhasha wuxuu kor u dhaafay 24.4% halka uu ka ahaa 7.4%.


CABSIDA JIMICSIGA XAD-DHAAFKA AH(VIGOROUS EXERCISE):

 In kasta oo jimicsiga meel-dhexaadka ah uu leeyahay faa'iido badan, jimicsiga aadka u adag (sida midka ka badan 4 saacadood todobaadkii ee xoogga badan 

Uma wanagsan wuxuu hoos u dhigaya heerka tarran ee hooyada rabta in loo sameeyo ilmo beerista.


1.BUROOYINKA UGXANTA (PCOS) IYO MAAREYNTIISA:

​PCOS waa sababta ugu weyn ee hoos u dhigta tarranka haweenka , waxayna saamaysaa 12% ilaa 18% haweenka da'da taranka ku jira.

​PCOS iyo sonkorta Insulin-ka:

 PCOS waxay keentaa caabiga Insulin-ka (Insulin Resistance), taasi oo sii xumaysa miisaanka aadka u weyn, walwalka, iyo hormoonnada.

​Xalka Jimicsiga:

 Jimicsigu waa daawaynta koowaad ee PCOS. Mid ka mid ah faaiidada jimicsi wuxuu si toos ah u hagaajiyaa isticmaalka sonkorta ee jirka.

​Natiijada Cilmi-baarista: Haweenka leh PCOS ee sameeyay jimicsi meel-dhexaad ah 3 jeer todobaadkii (30 ilaa 45 daqiiqo) muddo 12 ilaa 24 todobaad ah, 60% ka mid ah waxaa u hagaagay wareegga caadada iyo soo saarista ukunta.


​Gunaanad

​Sii wadida jimicsiga waa furaha cafimaadka 

joojinta jimicsiga waxay dib u soo celisaa dhibaatadii jirtey . 

Haweenka oo dhan waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay helaan jimicsi joogto ah oo meel-dhexaad ah.

Xog cilimyeedka PubMed 




Thursday, July 23, 2026

DHIBAATOOYIN CAFIMAAD DARRO EE KAREEMADA ISCADEYKU LEEYIHIIN.

✏ Waxa Diyarisey xogtan faatima jamaal (BSc Clinical Midwifery ).

Waxaa jirta khataro cafimaad darro ay leeyhiin,kareemda la marsado ee loo yaqaan iscadeyska, kuwaaso aad ugu soo batay soomaliya iyagoo gabdhihii u arkaya kareemada iney isku qurxiyaaan laakin arrintu Intan way kaweyn tahay ,oo gabdhihii waxay halis cafimaad darro iyo waxyeelo aan dhmaaad lahayn galinayaan Naftooda muqaal ahaan iyo maskaxba kuma baararugsana arimahan.


MAXAA KU KHASABAYA INEY HABULUHU ISTICMALAAN KAREEMADA ISCADEYKA:

Waxa jirta cilmibaaris ay sameyey maktabada pubmed kasoo ka hadalaya kareemaadka iskacedysa .

waxay cilmibaaristan lagu sameyey soomalia gaar ahaan Muqdisho

Hadaba cilmi baaristu waxy ukala qadaya iscadeyka habluhu rabaan, labo hab iney ku keneyso 

✅Habka kowaad waa in ay gabadhu raadinayso qurux iyo dhalaal.

✅Habka labaad waa in ay bulshada ka aamintey in cadaantu ay tahay qurux si ay quruxdaas u yeelatana ismariso kareemaadka iscadeyska. iyadoo mesha ka saartey midabkeedi asalka ahaa.

👉Daawooyinka loo qadanayo in laysku cadeeyo, waa Daawooyin loogu talagalay in cuduro iyo xanuuno maqaarka ah lagu daweyo.

Hadaba dawooyinkan waxay u isticmalyaan habluhu heer aad u dareysa iyagoo dhakhaatiir u qorin si xanuunka dawadan daweyso looga helo ama baritaan loo sameyo.nasiib darro dawadii waxay u isticmalaysaa is qurxin iyo iney hesho dhalaaal.


 WAA MAXAY DHIBKA AY LEEDAHAY ISTICMAALKA DAWOOYINKA ISCADEYSKA(BLEACHING CREAMS)?

Dawooyinkan waxay ka kooban yihiin curiyaalaal ama walxo kala duwan sida (mercury,hydroquinone iyo  ARSENIC)waxay leeyahiin dhibatooyin aad u badan kuwaas ay ka mid tahay iney mesha ka sarayaan madada (melanin),kaaaso jirka siiya midab sidoo kale wuxuu ka ilaaliyaha falaaraha qoraxda dhibatooyinkeeda.

Hadaba haweenka marsadey daawooyinka is cadeyska waxay la kulmeen dhibatooyin cafimaad ay ugu horey 

1️⃣Cun cun ama xajiin maqaarka ah. 

2️⃣Maqaarki oo u dulqadan wayey falaraha qoraxd.

3️⃣Waxay dhaawac halis u geystaan si guud maqaarka kilyaha iyo waliba indhaha.

4️⃣dawooyinka waxay jirka ka dhigayaaan mid qalalan.


SIDEE LOO YAREYN KARAAA DAWOOYINKA ISCADEYKA.

1️⃣Wacyigelinta cafimaad in kor looqada si bulshadii ay waxbadan u ogaato.

2️⃣Bulashada in loo sheego dhibatooyinka cafimaad uu leyahay iyo midda dhaqaale. 

3️⃣Qolyaha wacyigelinta iyo dhakhaatiirta maqaarka (dermatologist)inay sameyaan midow ama isku imaatan si bulshadi dhibtooyinkii iyo xalkii loo tuso .

4️⃣waaaradaa cafimaadka inay ka warhayso dhibatooyinka dhacaya kormeerna sameyso.

Xogta Cilmiyeedka ah PUBMED 




Tuesday, July 21, 2026

Tallaalka Hooyada uurka keh iyo faa iidooyinkiisa.

Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc clinical Midwefry) 

 Badbaadada ilmahaaga waxay bilaabataa inta uu caloosha ku jiro. Tallaalka la siiyo hooyada xilliga uurka wuxuu difaac xoogan uga yahay cudurrada keeni kara in ilmuhu noqdo mid jir aahaan iyo maskax ahaan u cafimaad qabin , dhibaatooyinka neerfaha, iyo xitaa in ilmahu calosha ku dilmo soo dhaco ama ay dhashaan iyadoo dhintey. 

Marka hooyada la tallaalo, difaaca uu jirkeedu sameeyo wuxuu si toos ah u tagaa ilmaha, taasi oo ka dhigaysa in ilmuhu ku dhasho difaac diyaar ah. Sidoo kale, uurku wuxuu ragaadiyaaama hoos u dhigaa difaaca jirka hooyada, taas oo ka dhigaysa inay u nugulaato xanuunada halista ah.

Halkan ka baro tallaalada ugu muhiimsan ee hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) ay ku talisay:

​Tallaalka MMR (Jadeecada, Qaamo-boqiyaha ama qaamo Qashiirka, oo la qaato Uurka Kahor

Tallaalkan waxaa la qaataa qorshaynta uurka ka hor,

👉 sababtoo ah waxay wax yeelo ugu geysan hooyada uurka leh iyo ilmaha yar ee caloosha ku jira sida inuu ka dilmo ilmihii yaraa hooyada markuu dhasho inuu u geysto sameyn khatar iyo markuu dhasho inuu dhinto ilmihii ama misaan yari ku dhasho,sidaa awgeed talaalkan waxa loo qorsheyey in la siiyo hooyada uurka ka hor.

​WAA MAXAY TALLAALKA MUHIIMKA U AH HOOYADA UURKA LEH?

​Tallaalka TDaP (Gawracatada, Teetanada, qiixdheerta ) - Talaalkani waxa la qaata Inta Uurka Lagu Jiro

Tallaalkan wuxuu ilmaha ka badbaadiyaa dhibatooyinka cafimaad. 

✅Teetanadu waxay dili kartaa 1 ka mid ah 10-kii ilmood ee ku qaada xadhigga xuddunta(Umbilicalcord), kuwa badbaadana waxay ku reebtaa dhibaatooyin neerfaha ah. 

✅Gawracatada iyadana waxay dili kartaa kala bar haweenka uurka leh ee qaada.

✅​Tallaalka RSV (Caabuqa Mareenka ee RSV) Talaalka waxa la qaato Saddexda Bilood ee Ugu Dambeeya

Fayraskan RSV wuxuu ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee isbitaalka loo dhigo ama ay u dhintaan dhallaanka ka yar lixda bilood. Hooyada oo qaadata tallaalkan bisha toddobaad ilaa sagaalaad waxay ilmaha ka badbaadisaa caabuqa dhimashada keena.

✅​Tallaalka Hargabka (Influenza) iyo Kofidh-19 waxa La qaato Inta Uurka Lagu Jiro

Hargabka caadiga ah wuxuu hooyada uurka leh ku keeni karaa dhibaato dhanka wadnaha iyo neefsashada ah. Ilmaha caloosha ku jirana wuxuu ku keeni karaa miisaan yari, dhibaatooyin dhankan wadnaha ah, iyo dhibaatooyin maskaxeed oo daba dheeraada. Labadan tallaalba ma laha fayras noole ah, markaa wax dhib ah uma geystaan ilmaha iyo hooyada .

Xigasho cafimaad UNICEF 



Sunday, July 19, 2026

khataraha cafimaad darro ee cirrid dhiiga xiliga uurka hortagiisa

 Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc clinical Midwefry).

Uurku waa safar dabiici ah oo hooyada ku keenah, isbadalo jireed iyo waliba mid hormone.

Isbadaladaani waxay badiyaan, fursadaha hooyadu ay ku qaadayso caabuqa afka (oral infection)sida cirrid dhiiga iyo waliba ilkaha  oo dhiiga,  waxayna gaartaa heer ah, nabro waaweyn oo ciridka ku dhasha.

HADAAN LA DAWEYN CIRRID DHIIGA MAXAA DHACAYA:

Cilimi baarista WHO waxay sheegta caabuqa ilkaha ee hooyada uurka leh inay la xiririsameyso xanuuna kale inay hooyada ku yimadaaan sida :

1.Wadna xanuun (cardiovascular disease). 

2.Cudurka macaanka (diabetes). 

3. Ilmaha oo ku dhasha misaan yari (low birth weight).

4.Hooyada oo foolata iyadoon la gaarin xiligii foosha (preterm birth).


Nasiib darro hoyooyin badan oo qaba cirrid iyo ilka dhiiga, ma tagaan xarumaha cafimaad ka hor iyo xiliga uurka ama xitaa markey dhasho, iyagoo u malaynaya in dhibaato ka gaareyso ilmaheeda marka ay tagto xarunta cafimaad si  xanuunka laga daweeyo .


NAFAQADA HOOYADA UURKA LEH IYO CIRRID DHIIGA :

Hooyada uurka leh in ay qaadato nafaqo ku fillan, waa mida kaliya kor u qaadeysa cafimaadka ilkaheda iyo waliba cirrid dhiiga. taa kasoo horjeedkeeda hadii ay hooyadu qaadan weydo nafaqooyin ku fillan, waxa imanaya khataro cafimaad darro ee nefteda ah iyo waliba ilmaheda yar.

Xiliga uurka waxa haboon inay hooyadu qaadato kaalshiyaam ( calcium) ku fillan taaso kenaysa in iyada iyo ilmaha yar caafimaadka lafahooda kor u qadeyso..

QAABKEE KOR UGU QAADA KALSHIYASMTA ( CALCIUM ):

Hooya si aad kor u qaado xaddigaga calcium, waa in aad xogga saarta cunista cuntooyinka hodonka ku ah calciumta sida: 1.caanaha iyo waxkastoo canaha laga sameyo.

2.Khudaarta cagaaran.

Hooyo inaad cunto cuntooyin cafimaad leh waxay kor u qaadeysa cafimaadka afakaga waxana kaa yaranaya cirrid dhiigii sidoo kale waxaa meshaa ka baxaysa dhibtada iyo xanuunkii ilkaha iyo ciridka .

SIDEE LOOGA HORTAGAA CIRRID IYO ILKA DHIIGA XILIGA UURKA:

 Cilmi baaris ay sameysay pubmed aya mujineysa habka ugu wangsan ay hooyada uurka leh uga hortagi karto, xanunada ama caabuqyada afka sida cirrid iyo ilka dhiiga waxan ka mid ah:

1.Hooya joogtey nadifiinta afka marwalba.

2.Waxa haboon haweeney walba in ay marto baaritaan dhameystiran ka hor uurka, xiliiga uurka iyo waliba markay dhasho.

3.sida ugu haboon ee aad kor ugu qaadi karto cafimaad afka waa inaaad nadifisaa adigoo isticmalaya burush iyo waliba daawo cadey maalinkii labo jeer (toothbrush &toothpaste).

4.ku luqluqo biyo diiran oo cusbo leh ,taasi waxay siineysaa cirridka dagenaan sidoo kale waxay ka yareynysaa caabuqa afka.


Xiliga uurka waa in hooyadu kor u qaado cafimaadka ilkaha iyo ciridka waliba siisaaa ilaalin gaar ah.

Xanuunka ama caabuqa afka kaliya ma keeno in ilkaha suus kaa galo ama ku jajaban sidoo waxay Keenan haliso cafimaad sidaa kor ugu sheegney 


Talada Umuliso Fatima jamaal  

Hooyo kor u qaad cafimaad afka hadii aad dareento xanuun ama caabuq tag xarun cafimaad 

Sidoo kale xiligaa aad ku jirto uurka iska yaree cunista macmacaanka badan ama cuntooyinka wadoyinka lagu gadoo Iyaga ayaa ah halista ugu weyn ee kuu kenaya cirrid dhiiga. 

Xog cilmiyeed ka: WHO pubmed 








Wednesday, July 15, 2026

CAFIMAADKA MASKAXDA HOOYADA UURKA LEH:SIDA LOOGA HORTAGO.

 WAXA DIYARISEY XOGTAN UMULISO FATIMA JAMAAL (BSc clinical Midwefry)


Mudada uurka iyo naasnuujintu, waa Xiliga ugu nugul ee nolosha hooyada dhanka dhimirka iyo dareen.

Cilimi baarista cusub BMC pregnancy childbirth ayaa muujineysa in ku dhowaad 7% hooyooyinka ay la dhibtoodaan cfimaaad darro dhanka maskaxda ah, marka ay boqashada u horeysa tagaan xarumaha cafimaad iyadoo 85% ay qabaan niyad jab,walwal daran ama baqdin weyn ay ka qabaan foosha.

MAXAA KEENA ISKU BUUQA MASKAXDA EE HOOYADA?

Isbadalka weyn ee ku dhacaya jirka hooyada ayaa ugu badan waxa ku keenaya hooyada waxa kaloo jirta waxyaalo kale sida:

1.Isbadalka hormoonka ee hooyada ku dhacaya xiliga uurka 

2.Hooyadu iney dareento walaaac ama walwal ah in uu ilmihi si fiican u koreyn.

3.Baqdin weyn oo hooyadu ka qabto foosha iyo dhalmada. 

4.isbadalka ka dhacaya muqaalka jirka hooyada in hooyadu aragto isbadalo muqaalkeda ah  kuwaas oo ay  horey u arki jirin.

KHATARAHA CAFIMAAD EE KA DHASHA ISKU BUUQA AAN LA DAWEYN:

Haddi hooyada laga caawin waayo walwalka iyo niyad jabka xiliga uurka  cilmi baarista WHO, waxay xaqiijineysaa iney ka dhalan karaan khayarahan:

1 waxaa kordhaya heerka hoyadu ay ku dhalayso qaliin(C-section).

2.Hooyadu iney dhasho iyadoon la gaarin xiligii dhalmada (premature birth).

3.ilmaha oo ku dhasha misaan yari(small gestational weight).

SIDA LOO BADBAADIYO CAFIMAADKA MASKAXDA HOOYADA UURKA LEH:

Waxaa muhiim ah in xoga lasaaro sadex walxood:

1.Hooyadu in ay aaminto kana war hayso isbadalada ku dhacay muqaalkeda.

2.Hooyadu waa in ay heshaa qof ay la wadaagto dareenkeda iyo cabsida ay qabto. 

3.Qoyska iyo dadka ku xeeran hooyada in ay siiyaan tageero weyn dhanka dareenkada ama waxa ay tabaneyso.

 Xog cilimyeedka WHO BMC PREGNANCY CHILDBIRTH 



Monday, July 13, 2026

Dhiig-Yarida xiliga uurka iyo sida looga hortagao (iron deficiency Anemia).

 Qoraalkan waxaa diyaarisay: Umuliso Fatima Jamal, BSc Clinical Midwifery.

Muddada uurka, jirka hooyada wuxuu maraa isbeddello waaweyn oo u baahan nafaqo laba-laab ah. Mid ka mid ah xaaladaha ugu caansan ee saameeya hooyooyinka uurka leh waa dhiig-yarida ka dhalata la'anta curiyaha birta (Iron deficiency anemia). Xaaladdan waxay timaaddaa marka jirku uusan haysan unugyo dhiig oo cas oo caafimaad qaba si ay ogsajiinta u gaarsiiyaan unugyada jirka, taas oo hooyada ku keenta daal baahsan iyo tabar-dari joogto ah.

INTEE IN LE,EG OO BIR (IRON)AH AYAY HOOYADU U BAAHANTAHAY?

Cilmi-baarisyada caafimaad ee ugu dambeeyey waxay sheegayaan in hooyada uurka leh ay u baahan tahay 27 milligram oo bir ah maalin kasta. Caadi ahaan, fiitamiinnada la siiyo hooyada uurka leh (Prenatal vitamins) waxaa ku jira xaddigaas, laakiin mararka qaar dhakhtarkaaga ayaa kuu qori kara kaniini gaar ah haddii dhiiggu aad u hooseeyo.!

SIDEE LOOGA HORTAGO DHIIGA-YARIDA (TALOOYIN NAFAQADA AH):

Nafaqada wanaagsan waa furaha koowaad ee ka-hortagga xaaladdan. Cuntooyinka laga helo birta ironta  waxaa loo qaybiyaa labo:

​Cuntooyinka ka yimaada xoolaha (Animal sources): Sida hilibka gaduudan ee aan baruurta lahayn, hilibka digaagga, iyo kalluunka. Birtan laga helo hilibka waa tan ugu fudud ee jirka hooyadu nuugi karo.

​Cuntooyinka ka yimaada dhirta (Plant sources): Sida khudaarta caleenta cagaaran leh (sida ranksa ama ansalaatada), iyo digirta, misirta.

SIRTA NUUGISTA BIRTA(ABSORPTION TRICKS):

Si jirkaaga uu si fudud u nuugo birtada ka timaada dhirta ama kaniinka, waxaa haboon inaad ku darsato cunto ama cabitaan qani ku ah Vitamin C, sida casiirka liinta, casiirka tamandhada (yaanyada), ama strawberries.

​DIGNIINMUHIIM AH:: Haddii aad kaniinka dhiigga Yarida  ku cabayso casiirka liinta, iska ilaali casiirka lagu daray Kaalshiyamka (Calcium-fortified). In kasta oo Kaalshiyamku u muhiim yahay uurka, haddana wuxuu hoos u dhigaa ama xannibaa nuugista birta ee jirka.

SIDA LAGU DAWEEYO DHIIG-YARIDA DARAN:

Haddii aad qaadato fiitamiinnada uurka hadana aad dhiig-yari isku aragto, dhakhtarkaaga ayaa samayn kara baaritaano dheeri ah si loo ogaado sababaha kale. Mararka qaar waxaa loo baahdaa takhasuska dhakhtarka dhiigga (Hematologist). Dadka aan qaadan karin kaniinka dhiigga ama soo maray qalliinka caloosha iyo mindhicirrada, waxaa dhiigga lagu siiyaa xididka (Intravenous administration) si toos ah.

Xogta maqaalkan : Rugta Caafimaadka ee Mayo   Clinic 



Sunday, July 12, 2026

waa maxay uur cafimaad leh (Healthypregnancy).).

Waxa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc clinical Midwefry)

Kor u qaadista cafimaadka uurka waa yoolka ugu weyn ee hooyo kasta.

Hooyo kasta waxay jeceshahay cafimaadka in nafteeda iyo tan ilmaheeda yar ay ahadaan kuwa cafimaad qaba, laakin arintani iskama timaado waxay u baahantahay dadaal ,daryeel iyo lasocosho joigta ah oo bilowda maalinka ugu horeysa ay ogaato uurka. 


WAA MAXAY ANTENATAL CARE?.

Antenatal care (Daryeelka xiliga uurka) si kooban waa in hooyadu ay si toos ah oo joogta ah uga war qabto xaladdeeda cafimaad iyadoo xiriir la leh khibradle cafimaad (Dhakhtar iyo umulisada).

Daryeelkani wuxuu ka bilowdaa maalinka uurka isku ogaato ilaa maalinta dhalmada.


HAB TILMAMEED CUSUB EE WHO(8 contacts).

Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxay u qorshaysay qoysaska in hooyada uurka leh ay la kulanto khibradle cafimaad UGU YARAAN 8JEER mudada uu uurku jiro.

Ujedooyinka ugu waaweyn ee 8 kulan waa:

✅ in la baaro lagana hortago halisaha dhalmada kahor ()Antepartum stillbirth).

✅in la ogaado ciladaha jira Lana daweeyo inteysan weynan.

✅Hooyada in laga caawiyo sidey u yeelan lahyd khibrad dhalmo oo farxad leh (positive pregnancy experience).


CABADAHA KA JIRA DEGAANADA QAAR.

Hooyooyin badan waxay tagaan xarumaha cafimaad ugu yaraan hal mar ,hadana cilmi baaristu waxay sheegtay in kar yar kala bar haweenka ku nool deganada in ay helin daryeelka sadexda bilood ee u horeysa taasin ay kernto dhibaatooyin badan. 

Xog cilimyeedka:  WHO




Tuesday, July 7, 2026

Qaadashada Folic Acid ka hor uurka iyo xiliga uurka

Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc in clinical Midwefry)

Hooyo ka war qabka xaaladaada cafimaad inta aad Wali uurka qaadin iyo waliba xiliga uurka  waa  muhiima,arintani waxay door muhiima ka qadnaysaaasa korintaanka ilmaha yar iyo cafimaadkiisa muuq ahaan iyo maskax ahaaan.

Hooyada ay aadka u hooseyso xaladeada naqo ama cafimaad xiliga ay uurka leedahy iyo kahor uurka, waxay la kulantaa arimo halis cafimaad ah dhankeda iyo dhanka ilmaha yar .

Ka hor uurka waxan haboon in Hooyadu ay ka war qabto xaldeda cafimaad waliba dhanka Nafaqada si cafimaadkeda uu kor u kaco,  markay yeelato uurka  u ahaado mid cafimaad iyo nabad qab leh .

Ilmaha dhasha iyagoo qaba xaalad cafimaad (birth defect or congintal malformation) waa in ilmihii uu muqaal ahaan iyo dhanka dhaqdhaqa uu u yahy mid aan wangaanseyn cafimaad ahaan,  arintaan waxaa keenta iney jirto nafaqo yari dhanka hooyada ( micronutrients deficiency). 

WAA MAXAY SPINAL BIFIDA (NEURAL TUBE DEFECTS ):

Waa in tubooyinka neerfuhu xaalad cafimaad ka qabo, sida in dhabarku daloolo ilmaha (spinal bifida waa kuwa ugu caansan. 

👉Cilmi baaris ay sheegtay haayada cafimaadka Aduunka WHO waxay sheegtay in khatartaan looga hortagi karo qadshada nafaqada micro nutrients gaar ahaan (Folic Acid )

👉Sidoo kale cilimi baaristu waxay sheegtay in la qaadan karto Folic Acid ka hor intadan uurka yeelan iyo waliba asbuucyada u horeya ee uurka (up 12 weeks gestation) 

👉Cilmi baaristu waxay kaloo sheegtay in la qaadan karo Folic Acid isagoo kaligiis ah ama vitamins kale lala qaadan karto


YAA QADAN KARA MICRO NUTRIENTS (FOLIC ACID):

Waxa qaadan karo Hooyo walba mid uur leh iyo mid aan uur lahyn waxayna ka qaadan xadi dhan 400mg micro grams oo Folic Acid maalin kasta 

Hooyo khataraha sare leh:hadii ay hooyadu horey u dhashay ilma qaba xalada cafimaad ee lo yaqaan spinal bifida ama calosha ku sida Wali waxaa la gudboon :

1. In la siiyo macluumaad ama xog ku saabsan kusoo noqnoqoshada ciladaas cafimaad waxa keena.

2 wa in ay qataan supplements (Folic Aci) xadi badan 5mg (milligrams) maalin kasta.

3.waa in ay badsato cuntooyinka ay ka buuxdo (Folic Acid) sida qudaarta cagaaran

TALADA  UMULISO FATIMA JAMAAL 

👉Hooyo marwalba ku xirnow  xarunta cafimaad ee ku dhow si aad ula socota heerkaga Nafaqo adiga uyo ilmahaga 

Xog cilimyeedka hay’adda cafimaadka Aduunka WHO






Sunday, July 5, 2026

Misaanka uurka oo kordha iyo khatarihisa cafimaad.

 Waxaa qortey umuliso Faatima jamaal (BSc in Clinical Midwifery)

Hooyo ma ogtahay in ka warqabka misaankaga ay ku xirantahay cafimaaadka naftada iyo tan ilmaha yar? Waxa wanagsan inaad la socoto misaanka kugu kordhaya inta uu le,egyahay .

GOORMA LA RABAA INAY HOOYADU OGAATO MISAANKA KU KORDHAYA?

Waxa wangsan in hooyadu ogaato misakeenda rasmiga ah uurka kahor. Hadey taasi dhici weydo, hooyo tag xarunta cafimaad ee kugu dhow markaad ogaato inaad uur ledahay.

MAXA DHACAYA HADII MISAANKU KORDHO INTII LAGA RABAY IN KA BADAN?

Cilmi baaris lagu sameyey maktabada pubmed iyo WHO ayaa muujineysa in misaanka xad-dhaafka ah ee kordha xiliga uurka  uu keeno halis badan taaso khatar ku ah hooyada iyo ilmaha yar xiliga uurka iyo xiliga dhalmada. Khatarahas waxa ka mid ah:

1.sonkorowga uurka (Gestational diabetes): Taaso halis galisa nafta hooyada iyo waliba ilmaha.

2. Ilmaha oo aad u weynada (Macrosomia): waxay keenta in ay hooyadu u dhali weydo si dabici ah ama ku adkaato dhalmadu  kadib hooyadii qalin ku dhasho (cesarean section).

3 Foosha oo deg-degta (preterm labour) :wuxu ilmihii dhalan isagoo dhameystiran bilihisi saxda ahaaa 

4.Qaliinka deg-dega ah(Emergency C-section): waxa dhacda in hooyadii iyo ilmihi lagu sameyo qaliin deg-deg ah si loo badbaadsho hooyada iyo ilmiha.

TALADA UMULISO FAATIMA JAMAAL

Hooyo mar walba ka war hay cafimaad qabka Naftada iyo ilmahaga si aad u yareyso khataraha ka dhalan kara misaanka xad-dhaafka ah.                     

Fadlan booqo xarunta cafimaad ee kugu dhow. 

Xog cilimyeedka: PubMed WHO 


Tuesday, June 30, 2026

KHATARTA ZIKA VIRUS:SIDEE KANEECADU U WAXYEELLEYSAA MASKAXDA IYO KORIINKA ILAMAGA KU JIRA UURKA.

​📚 Tixraac iyo Xogta Caafimaad: Maktabadda Caafimaadka ee PubMed

Waxaa Qortay: UmulisoFatima (BSc in Clinical Midwifery)

30-ka June, 2026

Waa Maxay zika feyras (zika virus)? 

Waa xanuun ama virus, kasoo ka dhasha qaniinyada kaneecada.

Hooyo ma ogtahay khatarta ka dhalata qaniinyada kaneecada qaarkood, kuwaaso u keena ilmaha iney ku dhashaaan cilad dhanka maskaxda ah iyo koriinkiisa oo hoos u dhaca.

Cilmi baaris lagu daabacay maktabadda pubmed ayaa muujineysa Ina carruurta u ku dhaco feyraska zika (zika virus) xiliga ay caloosha ku jiraan, ay la kulmaan nafaqa darro baahsan.

👉Feyraskan wuxuu waxyelleyaa maskaxda ilmaha, taas oo keenta in ilmuhu dheererkisi ka gaabto (stunting), miisanka oo dhaca ama uu yeesho buurnaan xad-dhaaf ah sababto ah,dhibaatatada ka haysata cuntatada qaab laqideeda.


Sidaas dartaaa,Hooya haddii aad Leedahy uur waliba aad tahay Bilaha hore waxaa muhiim ah ina naftaada ka ilaaliso qaniinyada kaneecada, adigoo isticmalaya maro kaneeco, markaad banaanka u baxayso gasho dhar si fiicaan u daboolaya jirkaaga. Gurigana ka ilaali inay hortisa biyo faristaan oo iska qalaji markasta banaanka.



XANUUNKA SALMONELLA OO DHAWAAN FAAFAY IYO 4️⃣QAAB OO LOGA HORTAGI KARO.

 Waxa qortey umuliso Faatima jamaal( BSc Clinical Midwifery). Hay,ada amaanka cafimaad ee dalka UK ayaa shaacisey fafitaanka degdeg ee xanuu...